Aabe ceeji loogu dhex dilay suuqa Bakaaraha

Aabe ceeji loogu dhex dilay suuqa Bakaaraha

Muqdisho (Raxanreeb) — Faah faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo xannuun badan oo xalay ka dhacday gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kadib markii si arxan darro loogu dilay Aabbe degaanaa gudaha suuqaasi.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Maxamed Axmed Cumar, ayaa isaga oo mayd ah, laga dhex helay guri ay isaga iyo qoyskiiska ka daganaayeen degmada Howlwadaag ee Bakaaraha.

Ehellada mid ka mid ah, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Aabahan lagu ceejiyay xarig falkaasna uu dhacay suxuurta kaddib ee habeen hore.

“Suxuurtii wuu nabas qabay ka bacdi 20 daqiiqo marka ay kasoo wareegatay ayaa loo imaaday isaga oo xarig lagu dilay oo guriga xagga sare meel laga soo galay ay ka muuqayo” ayuu yiri mid ka mid ah, ehellada ninka la dilay!.

Sidoo kale ninkan ayaa sheegay in uu jiray ruux uu marxuumka muran kala dhaxeeyay, kaasi oo ka deganaa Bakhaar ganacsi uu marxuumka lahaa.

“Waxaa jirta nin ay is haayeen oo dacwo ayaa u socotay bakhaar ayaa nin kaga jiray, wuuna diiday inuu ka baxo” ayuu yiri.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu sheegay in la aasi doonin illaa uu ka dhamaanayo baaritaano ay wadaan laamaha amniga.

“Baaritaanka ayaa hadda socdo, mana aaseyno maydka illaa amar dambe” ayuu mar kale.

Dhacdadan ayaa ka mid ah, dhacdooyin argagax leh oo ka dhacay Muqdisho, inta badan labadii bilood ee lasoo dhaafay, iyagoona saameeyn xooggan ku yeeshay bulshada.

Si kastaba hasa yeeshee dilalka nocan ayaa ah, dilal arxan darro ah, iyadoo kan kasii horreeyay nin mas’uul ka tirsan Hay’adda Duulista Hawada, kaas oo lagu dhex dilay qolkiiisa jiifka degmada Wadajir ee xaafadda Ceel-qalow, magaalada Muqdisho.