Muqdisho (Raxanreeb )- Dowladda Federaalka ah ee Soomaalya ayaa qaatay talaabooyin ay ku doonayso inay kaga gungaarto weerar kooxda AS ay ka gaysteen magaalada Muqdisho.
Weerarkan waxa uu ka dhacay Hotelka SYL ee Muqdisho , kaas oo u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya iyo xarumo muhiim ah oo ay ku shaqayso Dowladda Soomaaliya.
Sida aan wararka ku helnay laamaha amniga ayaa xabsiga dhigay saraakiil iyo askar katirsan ilaalada madaxtooyada, gaar ahaan kuwii ku sugnaa koontaroolka Sayidka oo la sheegay in ay kasoo gudbeen raggii fuliyay weerarkii hotelka SYL.
Askarta loo xiray falkan Al Shabaab uga gudbeen koontaroolka sida weyn loo ilaaliyo ayaa ku socdo baaritaano , waxaana askartan lagu eedeeyay in ay gudan waayeen waajibkooda ayna koox argagaxiso u fududeeyeen weerarka.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in weerarka ay ku dhinteen saddex askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka, halka 27 qof oo kale ku dhaawacmeen.
Al-Shabaab ayaa marar badan weeraray Hotelka SYL, waxaana ugu dambeeyey 2019-kii markaasi oo shan qof lagu dilay.
Leave a Reply