Aadan Madoobe iyo Safiirka Turkiga oo Muqdisho Ku Kulmay

Aadan Madoobe iyo Safiirka Turkiga oo Muqdisho Ku Kulmay

Muqdisho (Raxanreeb Online): Hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Koonfur Galbeed iyo Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga, adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadannimada.

Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan Koonfur Galbeed, isagoo tilmaamay doorka Turkigu ku leeyahay taageerada Soomaaliya iyo dib-u-dhiska dalka.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa Danjiraha la wadaagay xaaladda ka jirta deegaannada maamulka iyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, xoojinta amniga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Aadan Madoobe ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed uu diyaar u yahay xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta uu la leeyahay dowladda Turkiga, iyadoo mudnaanta la siinayo arrimaha ka qeyb qaadanaya horumarka iyo xasilloonida bulshada.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamo shaqo oo Aadan Madoobe uu Muqdisho kula yeelanayo madaxda dowladda Federaalka, diblomaasiyiinta iyo hay’adaha caalamiga ah.

Waxaa kulanka sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Beeraha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.