Aadan Madoobe oo sheegay in la  meel mariyay wax ka dedelka Dastuurka.

Aadan Madoobe oo sheegay in la  meel mariyay wax ka dedelka Dastuurka.

Muqdisho (Raxanreeb ) Iyadoo  buuq badan uu ka taagan yahay xarunta Golaha shacabka  ayaa maanta oo Arbaca ah xildhibaanadada labada aqal sida la sheegay waxa ay meel mariyeen habraaca wax ka bedelka Dastuurka.

Waxaa Ogolaaday habraaca 180 Xildhibaan halka ay diideen 30 mudane sida uu ku dhawaaqay guddoonka golaha.

Warbaahinta madax banaan ayaa loo diiday in ay gudaha u galaan xarunta  uu fadhiga ka socday ee labada aqal , taas oo keentay in mudanayaasha qaar ay ka biyo diidaan sida ay wax u socdeen.

Xubnaha Mucaaradka ah ayaa talaabada wax ka  bedelka Dastuurka u arka mid qorshaheeda dan gaar ah ugu jirto Madaxtooyada Soomaaliya oo horay u dalbatay . Bishii May ee sanadkii hore ayay markii markii Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka hadda jira, ayada oo meesha laga saarayo xilka Ra’iisul wasaaraha

Leave a Reply

Your email address will not be published.