Muqdisho ( Raxanreeb ) Waddooyinka soo soo gala iyo kuwa ka baxa xaafadaha ku dhaw dhaw Hay’ adda nabad sugida gaar ahaan Godka Jilicow ee degmada Boondheere ayaa la xiray.
Sababaha ka danbaysay xiritaanka waddooyinkan ayaa lagu sheegay in Hay’ adda Nabad sugidda wadooyinka qaar ay ku xirayso Camera la socon doonta dhaqdhaaqa.
Ciidamo dheeraad ah ayaa la soo dhoobay nawaaxiga Daljirka Daahsoon , halkaas oo gabi ahaanba loo diiday isu socodka gadiidka iyo dadwaynaha.
Dadka deegaanka oo loo diiday isu socodka ayaa su’ aalo badan ka keenaya waxa keenay xiritaanka waddooyinka.
Magaalada Muqdisho waxaa ka jira cabsi badan oo ku saabsan suurtagalnimada in Kooxda Al- Shabaab weeraro ay ka gaystaan.
Leave a Reply