Abwaan Hadraawi ayaa goordhoweyd ku geeriyooday Hargeysa

Abwaan Hadraawi ayaa goordhoweyd ku geeriyooday Hargeysa

Hargeysa (Raxanreeb) — Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Naasir Yuusuf Daahir, oo ah, Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ee Madaxtooyada Somaliland.

Abwaan Hadraawi, ayaa muddooyinkii danbe xannuunsanaa, asagoona laf-dhabar u ahaa suugaanta Soomaalida, wuxuuna sameeyay heeso badan oo caan baxay, waxyaabaha lagu xusuusto waxa ka mid ah socdaalkii nabadda ee ku maray inta badan gobollada Soomaaliya, burburkii dowladda kaddib, Wuxuu ka qeyb qaatay silsilado maanso, si aad ahna wuxuu uga soo horjeestay dowladdii kacaanka ahayd ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.