Wasiir Fiqi “Laba sanno ayaa ku soo afjaraynaa Al- Shabaab”

Axmed-Macalin-Fiqi

MUQDISHO (Raxanreeb) Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in  ay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab si  looga saaro dalka.

Wasiir Fiqi ayaa hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda mudo laba sanno ah ay ku soo afjari doonto Al-Shabaab, sida  uu yiri.

Hadalka Wasiirka wuxuu yimid kaddib kulan uu la qaatay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andrea oo ay ka wada hadleen taageerada Mareykanka ee dhanka la dagaalanka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay Wasiir Axmed Fiqi in ay ka go’an tahay in xaalad deganaan ah ay ku soo dabaalaan dalka  taasna si ay u dhaqan gasho ay tahay in la qaado  golof ka dhan ah Al Shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in dhibaatooyinka Al Shabaab ay ka gaystaan meelo ka mid ah dalka sabab ayu tahay fulin la’aanta xukunada.

Dowladda Federaalka ayaa marar badan waxa ay sheegtay in ay ka adkaan doonto kooxda Al Shabaab hase ahaatee wali waxaa muuqanaysa awoodda Al – Shabaab.

Kol hore Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in Al Shabaab Maxkamado ay ku leeyhiin gudaha magaalada Muqdisho , taas oo uu sheegay in  ay tahay  caqabad jirta oo loo baahan yahay in la soo afjaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.