AFRICA : Xanuunka Ebola oo qof ugu geeriyooday Kampala

Kampala (Raxanreeb ) Saraakiisha caafimaadka Uganda ayaa shaaciyay in dalkaas magaalooyin ka mid ah uu ka dilaacay cudurka Ebola.

Warbaahinta dalkaas ayaa sheegay in Nin 24 jir ah oo uu ku dhacay cudurka Ebola u ku geeriyooday dalka Uganda kadib markii uu ku dhacay cudurka.

Isagoo warfideenka la hadlayay ayaa Wasiirka caafimaadka ayaa Uganda sheegay in qofka u dhintay cudurka markii hore lagu arkay astaamaha xanuunka Ebola.

Ninka u geeriyooday cudurka ayaa kasoo jeeday tuulada Mubende oo qiyaastii 147km u jirta magaalada caasimadda ah ee Kampala.

xarunta qaabilsan cilmi baarista feyraska, ayaa laga xigtay in 8 qof oo lagu arkay astaamo looga shakisan yahay cudurka haatan la daweynayo .

Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan xaaladdo xun oo kiisaska xanuunka Ebola ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.