Africom, oo sheegtay inay duqeeyn ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab

Africom, oo sheegtay inay duqeeyn ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Taliska ciidamada Mareykan ee Africom, ayaa soo saaray warsaxaafadeed, ku saabsan duqeymo ay ka geeysteen Hirshabeelle, Africom ayaa sheegtay inay howlgallo ay sameeyeen dhanka darones-ka ay ku dileen xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Taliska Africom, ayaa soo saaray qoraal kaas ay ugu hadleen howlagallo ay sameeyeen 14-ka bishan Augst, kaas ay ka sameeyeen deegaannada Hirshabeelle, Soomaaliya.

Sidoo kale Africom, ayaa sheegtay howlgalkoodu, inuu ahaa duqeymo dhanka cirka ah, kuwaa ay ku beegsadeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, tirada ay sheegeen ayaa ah, 13 Xubnaha Ururkaasi ee Al-Shabaab, ay ku dileen howlgalkaasi ee duqeeymaha ah.

Warsaxaafadeedka, ayay ku sheegeen howlgalaasi inay la fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya, halka ay sheegeen inuusan jirin Dad Rayid ah, oo dhibaato kasoo gaartay howlgalkaasi.

Taliska, Africom, ayaa inta badan duqeeymo ku beegsada Al-Shabaab, ayadoo ay waxyeelo bbadan kasoo gaarto dadka rayidka ah, dhimasho iyo dhaawac xoolo ku dhinta mararka qaar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.