Muqdisho (Raxanreeb) – Agaasinka Waaxda Caafimaadka ee Dowladda Hoose ee Xamar ayaa maanta yeeshay kulan kooda billaha ahaa.
Kulanka waxaa kasoo qeyb galay Agaasimeyaasha Caafimaadka ee Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaayay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Dowladda Hoose ee Xamar Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada caafimaadka ee degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir.
.
Leave a Reply