AKHRISO : Qodobada wax ka bedelka Dastuurka ee loo qaybiyay xildhibaanada.

AKHRISO : Qodobada wax ka bedelka Dastuurka ee loo qaybiyay xildhibaanada.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Maanta oo Khamiis ah xildhibaanada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa fadhi ku yeeshay xarunta Villa Hargaysa ee magaalada Muqdisho.

Fadhiga oo uu furay Guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe ayaa waxaa hadalo loogu dhagaystay guddiyada la socodka Dastuurka iyo kan madax banaan.

Kulanka oo ahaa mid kooban ayaa waxaa goobta sharaxaad lagu siiyay mudanayaasha Barlamaanka labadiisa aqal ee xaadiray maanta oo Khamiis ah fadhiga Barlamaanka.

Dhammaan xildhibaannada kulan xaadiray ayaa loo qaybiyay nuqulka kama dambeysta ah ee soo jeedina wax ka beddelka dastuurka oo haatan maraya marxladdii u dambeysay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.