AL-SHABAAB : 11 qof ku dilay deegaanka Gerilay oo ka tirsan degmada Ceelwaaq

Ceelwaaq (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in kooxda Al- Shabaab ay ku dileen 11 qof deegaanka Gerilay oo ka tirsan degmada Ceelwaaq, Gedo.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in Dadkaasi shacabka ah la dilay iyaga oo qodaya CEEL BIYOOD loogu tala- galaya dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Kooxda Al- Shabaab sidoo kale ay gubeen ceeliyood ay lahayeen dadka deeganka.

Maamulka Gobolka Gedo ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay beegsida , goobaha muhiim ah ee loogu tala- galay dadka deegaanka.

Al- Shabaab ayaa sidan oo kale dhibaatooyin waxa ay ugu gaysteen deegaano badan oo goboada dal ah taas oo keentay abaabulka deegaanka.

wixii ku soo kordha kala soco.

www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.