DEG DEG : Taliyihii Booliska gobolka Banaadir oo qarax miino lagu dilay

DEG DEG : Taliyihii Booliska  gobolka Banaadir oo qarax miino lagu dilay

Muqdisho (Raxanreeb ) Ilo xog- Ogol ah ayaa RBC u xaqiijiyay in goor dhaw qarax miino lagu dilay Taliyihii ciidanka Booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in qaraxan uu ku dhintay Farxaaq Qaroole ayaa ka dhacay Aaga degaanka Basra oo u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobolada Shabeelaha Hoose iyo Dhexe.

Gaari uu la socday Taliyaha ayaa lala eegtay qarax xoogan sida ay ku warameen saraakiil boolis ah oo ku sugan halka uu qaraxa uu ka dhacay

Qaraxa oo ahaa miinada Nooca dhulka lagu Aaso ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan in uu qabsaday gaari uu saarnaa taliyihii qeybta booliska ee Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, xilli ay marayeen meel u dhow degaanka Basra.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar kale oo katirsan ciidamada dowladda, iyada oo hadda howlgallo Miino baarisah ay Ciidamada dowladda ka wadaan wadada xiriirisa degmada balcad iyo degaanka Basro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.