Al-Shabaab ayaa dilay labo qof weerar ay ku qaadeen Kenya

Nairobi (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya dalka Kenya ayaa sheegaya in ururka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Pandaguo ee ismaamulka Lamu ee dalkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Weerarkan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan laba qof oo shacab ahaa, sida ay shaaciyeen saraakiisha Booliska ee dalka Kenya oo ka hadlay weerarka oo dhacay habeenkii ciidda Kirismaska.

Sidoo kalena xubnaha weerarka fuliyay ayaa dab qabadsiiyay guryo ku yaalla halkaas, kuwaas oo ay daganaayeen dad shacab ah, waxaana gubtay dhowr guri.

Booliska ayaa haatan wada howlgallo ay ku baadi goobayaan kooxda weerarka fulisay oo baxsatay, kadib dhacdadaasi.

Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Xeebta John Ellungata oo ka hadlay dhacdadaan ayaa shaaca ka qaaday in weerarka kadib uu dagaal dhex-maray ragga hubeysan iyo ciidamada Kenya oo uu sheegay in ay iska caabin sameeyeen inta ay socotay is rasaaseynta.

John Ellungata ayaa farriin culus u diray dadka deegaanka, isaga oo ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka ee Booliska dowladda Kenya.

“Xaaladdu waa degan tahay, waxaana jooga goobta askar roondo ah, waxaana ka codsanaynaa xubnaha bulshada inay noo sheegaan waxay og yihiin oo naga caawin kara baaritaannada inta aan wadno howlgallada,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Xeebta.

Muddooyinkii u dambeeyay Ururka Al-Shabaab ayaa aad u kordhiyay weerarada ay ka fulineyso gudaha dalka Kenya, waxaana toddobaadkii hore ay qarax la beegsatay ciidamo katirsan kuwa dalkaasi Kenya oo ku socdaalayay waddo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.