Wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo gaaray Mekelle

Addis Ababa (Raxanreeb) — Waxaa caasimadda gobolka Tigray ee Maqalle ka dagay Wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Afhayeenka Baarlamaanka Itoobiya Tagese Chafo, iyadoo halkaa ay wafdiga ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta u sarreysa TPLF, ee gacanta ku haya maamulka gobolka Tigray.

Ujaaddada socdaalka wafdigan ee magaalada Maqale ayaa lagu sheegay inay u kuurgeli doonaan qaabka uu u dhaqan galay heshiiskii nabadeed ee dhawaan ay wada galeen dowladda iyo TPLF.

Socdaalka Wafdigan ayaa kusoo beegmaya xilli la filayo in maalmaha soo socda ay Maqalle gaaraan Wafdi ka socda Midowga Afrika oo uu kamid yahay Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuro Kenyatta.

Haddaba, Xirsi Cabdiqaadir Maxamed oo ka fallooda Arrimaha Geeska Afrika gaar ahaan Ethiopia ayaan wax ka weydiinnay waxyaabaha laga filan karo safarkan iyadoo gobolka Tigray lagasoo sheegayo xaalado baniadanimo oo daran.

Leave a Reply

Your email address will not be published.