Al-Shabaab oo labo nin ganacsato ah ku dishay Muqdisho

Al-Shabaab oo labo nin ganacsato ah ku dishay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Ururka Al-Shabaab ayaa shaaciyay inay dileen laba nin oo kamid ahaa ganacsatada daroogada noocyadeeda kala duwan ku iibin jiray gudaha magaalada Muqdisho.

Ururka Al-Shabaab oo dhowaan billoway howlgallo ay ku baacsanayan ciyaal-weerada iyo dadka ka ganacsada daroogada ayaa waxay xalay dagaal-yahaanno ka tirsan weerar ku qaadeen degmada Wadajir, gaar ahaan suuqa weyn ee degmadaasi, halkaasi oo ay ku dileen nin magaciisa lagu sheegay Cusmaaneey oo ahaa nin ka ganacsada daroogada noocyadeeda kala duwan.

Ninkan ay kooxdu sheegtay in lagu dhex dilay isla goobtii uu ku iibinayay daroogada noocyadeeda kala duwan ee gudaha suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxay sheegtay in isla xalay weerar kale ay malleeshiyaadkeedu ka fulisay deegaanka Garasbaalley gaar ahaan agagaarka Macaane ee duleedka Muqdisho ku dileen nin.

Weerarkan ayaa waxay sheegtay in lagu dilay Cabdi Weli Ilyaas oo isaguna ka ganacsanayay daroogada noocyadeeda kala duwan, sidoo kalena waxaa lagu dhex dilay goobtiisii uu daroogada ku iibinayay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowaan ku dhawaaqday in howlgal nooc cusub ah oo ay ku beegsaneyso kooxaha ka ganacsada maandooriyaha iyo ciyaal weerarada, ayada oo tan iyo markaas magaalada Muqdisho ka fulisay dilal kala duwan oo ay sheegtay inay ku khaarajisay qaar kamid ah horjoogayaasha ciyaal-weerada iyo kuwa ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Dabayaaqadii bishii hore ayay aheyd markii ay kooxda shaacisay in deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim ay ku dishay Cabdikhaadir Carab oo kamid ahaa horjoogayaashii ciyaal-weerada, islamarkaana dhallinyarada magaalada Muqdisho ka gadi jiray taabuuga iyo Xashiishka.

Falkan ayaa kusoo aadaya xilli ay kooxaha Ciyaal-weerada markale kusoo laba kacleeyeen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhibaato xoog leh ku hayay shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayagoona geeysta dilal dhac kufsi, iyo dhaawacyo halis ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la daala dhaceeysa sugidda amniga Muqdisho halka ay u taag weeysay Koontaroolka Ciyaar-weerada iyo falal ka dhaca ee amniga liddi ku caasimadda Muqdisho.