Laascanood (Raxanreeb ) Magaalada Laascanood eee gobolka Sool waxaa wali ka taagan xiisada dadka deegaanka ay ku diidan yihiin maamulka Muuse Biixi Cabdi.
Waxaa soconaya xilligan dadaalo Dowladda Itoobiya ay ku doonayso in ay ku dhax dhaxaadiso Isimadda gobolada Sool , Sanaag iyo cayn si loo gaaro heshiis nabadood oo dhaqan gal ah.
Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo kamid ah Isimida gobolka Sool ayaa ka hor wada hadalada iyo dadaalada Itoobiya sheegay in ay muhiim ay tahay in ciidamnka Somaliland la geeyo Oog
Garaadka ayaa sheegay in tani u jeedkeedu uu yahay suurtagalnimada in wax uun uga dhaqaaqan dadaallada nabadeed ee ay wado Itoobiya.
Waxa uu intaas warkiisa ku daray in ay soo dhawayeen dadaal kasta oo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisada wali sii socoto ee ka jirta deegaanka
Dowladda Itoobiya ayaa dadaal badan ku bixinayso sidii xal looga gaari lahaa xaaladda ka taagan magaalada Laascanood , halkaas oo ay ku dhinteen dad aad u fara badan isla markaana ay ku barakaceen qoysaskii ugu badnaa.
Maamulka Somaliland ayaa hore u dalbatay in xoogaga Laascaanood kula dagaalamayaa ay ka baxaan magaalada, halka garaadada dhankoodu ay rabaan in ciidamada Somaliland ay ka baxaan deegaanadooda.
Lama oga sida labada sharuudood ee labada dhinac ay u adkayn karto wada- hadalada bilowga wanaagsan ee lagu doonayo in magaalada ay noqoto mid ka caagan dagaalada.
Leave a Reply