Gedo : Dad ku dhintay qarax lala eegtay guddoomiye ku xigeenka Buurdhuubo

Buurdhuubo (Raxanreeb ) Wararka  naga soo gaaray degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax miino oo waxyeelo gaystay.

Qaraxan waxaa lala eegtay Guddoomiye ku xigeenka degmada Buurdhuubo Nuux Xuseen Da’uud , oo gaarigiisa qaraxa loogu xiray , hase ahaatee uu ka badbaaday.

RBC warar uu ka helayo degmada Buurdhuubo ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen laba ka mid ah caruurta uu dhalay Guddoomiye ku xigeenka oo qof kale oo ka ag dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.

Waxaa lagu soo waramayaa in caawa ciidanka amniga degmada ay wadaan howlgal ay ku doonayaan in ay ku sugnaa amniga degmada.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkan

Leave a Reply

Your email address will not be published.