Al-Shabaab oo qarax ku dishay dad isku qoys ahaa

Al-Shabaab oo qarax ku dishay dad isku qoys ahaa

Gaarisa (Raxanreeb) — Booliska ayaa Jimcihii xaqiijiyay in ugu yaraan afar qof ay ku naf waayeen, laba kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah ka dib markii gaari ay saarnaayeen miino waddada lagu aasay la qaraxday kaas oo marayay deeganka Eegay oo uu dhexeeya magaalooyinka Gaarisa iyo Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lagu aasay inta u dhaxeysa Biyo xireenka Egge iyo Bogyar ee ku teedsan Dhadhaab iyo Gaarissa.

Dadka dhintay ayaa lagu soo warramayaa in lagu kala magacaabo Ugaas Amiin, iyo Ugaas Xasan, oo ahaa odayaasha dhaqanka ee deegaanka Soomaalida ee Kenya, wiil uu dhalay oo gaariga waday iyo nin ay Ugaaska la dilay walaalo yihiin.

Maamulka ayaa sheegay in labada qof ee dhaawaca ah loola cararay isbitaalka.

Guddoomiyaha gobolka Solomon Chesut, ayaa xusay in ciidamada ammaanku ay ku guulaysteen in ay fashiliyaan isku day weerar oo ay Al-Shabaab, ku doonayeen in ay ku qaadaan isla agagaarkaasi 2-dii December.

“Iyadoo laga jawaabayo khatarta sii kordheysa, waxaa si weyn loo xoojiyay tallaabooyinka ammaanka ee aagga” ayuu yiri guddoomiyaha

Al-Shabaab ayaa billowday sannadkii 2011-kii weerarro in ay ka geysato gudaha Kenya, iyadoo ugu horreyntii ay jawaab u ahayd go’aankii Kenya ay ciidamadeeda ugu soo dirtay Soomaaliya.

Faragelinta ciidamada ayaa ka dambeysay afduubyo dhowr ah oo ka dhacay dalka Kenya, oo ay ku jiraan dad dalxiisayaal ah iyo samafalayaal caddaan ah.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa, ee ay soo abaabushay Al-Shabaab ee Kenya, ka dhacay wuxuu ahaa weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee bishii April 2015, argagixisadu ay gudaha u galeen dhismaha Jaamacadda, halkaas oo ay ku naf waayeen ku dhawaad ​​150 qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.