Khaatumo oo laga reebay cayaaraha dalka & Puntland oo siyaasad ahaan uga maqan.

Khaatumo oo laga reebay cayaaraha dalka & Puntland oo siyaasad ahaan uga maqan.

Muqdisho (Raxanreeb ) Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya iyo Xiriirka K/Cagta ayaa wadajir u shaaciyey waqtiga rasmiga ah ee la qaban doono tartanka K/Cagta Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedyada 2023-ka.

War-saxaafadeed ay si wada-jir ah usoo saareen wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya iyo Xiriirka K/Cagta in tartanka uu si rasmi ah u bilaaban doono tartanka.

Tartanka waxaa ka qeyb galaya kooxaha Gobolka Banaadir, Hirshabelle,  Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland.

Waxaa tartanka arrimo siyaaadeed awgeed ka  maqan Puntland, iyadoo khaatumo State oo la filayey iney ka qeyb gasho ay buuxin weyday shuruudihii tartanka sida ay sheegtay Wasaaradda Isboortiga.

Sidoo kale waxaa la shaaciyay in la kordhiyay tirada kooxaha rasmiga ah ee tartanka ka qeyb-galeysa, kuwaasi oo markii hore ahayd 22 ciyaartooy, halka sanadkan laga dhigay 25 ciyaartooy.

Leave a Reply

Your email address will not be published.