Muqdisho (Raxanreeb) — Ururka Al-Shabaab ayaa pr kasoo saaray qarax xooggan oo ay saaka ka geeysteen saldhig ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Kooxda ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan ay ku bartimaameedsay xero ay daganaayeen ciidamo ka tirsan kuwa loo yaqaan Boolis-Milataro ee ka howlgala Muqdisho & duleedkeeda.
Qaraxa oo ahaa ismiidaamin ayaa waxaa loo adeegsaday gaari kuwa aan xabadda karin (Bulet Proof), kaas oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa, laguna weeraray saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaasi.
Sidoo kale waxa ay sheegtay inay goobta ku dishay ugu haraan illaa 49 askari, ayna dhaawacday tiro kale oo intaasi ka badan oo isugu jiro saraakiil iyo askar kale.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay inay burburisay guud ahaan xerada oo ay yaaleen gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo meesha ku gubatay, sida ay hadalka u dhigtay.
Waxaa kale oo ay kooxda ku goodisay inay sii kordhin doonto weeraradeeda, ayna beegsan doonto xarumaha ciidamada iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale, Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan qaraxa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaalla waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Inta badan waxaa deegaankan weeraro culus kusoo qaada Al-Shabaabka ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose, iyaga oo bartimaameedsada saldhigyada ciidamada.
Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan dari ee haatan ka dhacaya caasimada iyo hareeraheeda, waxaana culeys soo saaray kooxda Al-Shabaab oo inta badan lagu jebiyay dagaallada ka socda gobollada dalka.