Daadad harqiyay Beledwayne & Luuq ee Gobolada Hiiraan & GEDO

Daadad harqiyay Beledwayne & Luuq ee Gobolada Hiiraan & GEDO

Beledwayne (Raxanreeb ) Roobab xoogan oo  ka da’ay gudaha iyo daafaha Magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sababay in guryahooda ay ka barakacaan qoysas farabadan oo daganaa Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako.

Roobabka ayaa socday ku dhawaad 6 saacadood oo xiriir ah, waxaana ka dhashay daadad xoogan oo kusoo rogmaday xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako

Dadka degan Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako, gaar ahaan laamaha Kutiimbo iyo Dhagax jibis ayaa saqdii dhaxe mar qura kusoo toosay guryaha oo ay u dhex ceegagaan biyo aad u fara badan

Biyaha webiga ayaa dhex ceegaaga guryaha ku yaalla Baladweyne, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay jiraan qoysas badan oo ku go’doodsan gudaha magaalada.

Xaalada ayaa waxay sii adkaatay markii daadadka soo rogmaday roobka ay waaweyn meel ay ka galaan Wabiga madaama kanaalka biya xireenka kiliga Dhagax jibis oo loogu tala galay biyaha daadka kasoo rogmada iney wabiga ku xareeyaan uu ahaa mid xirnaa.

Inta badan wabiga marka uu ku fataho magaalada wuxuu saameeyaa dhul beereed aad u badan iyo xaafado ka mid ah magaalada oo ay dadku ku nool yihiin.

Dadka deegaanka ayaa loogu baaqay inay ka fogaadaan meelaha u nugul fatahaada.

Maamulka Hirshabelle ayaan xal muuqda u helin fatahaada uu sameeyo wabiga Shabelle, waxaana marar badan magaalada Baladweyne saameyn badan ku yeeshay fataahada wabiga sameeyo oo keentay in dad badan magaalada ka barakacaan.

Sidoo kale  degmada Luuq  ee gobolka  Gedo daad xoogan ayaa ku soo rogmaday xaafadaha qaar ka dib  roob saacado badan ka da’ayay magaalada waxaana kala xirmay xaafadaha qaar .

Leave a Reply

Your email address will not be published.