Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa laga helayaa magaalada Muqdisho, kaas sheegaya in maanta diyaaradaha caalamiga ah, ee imaan jiray caasimada ay joojiyeen gebi ahaanba duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku ku imaan jireen garoonka caalamiga ah, ee Aadan Cadde Airport.
Diyaaradaha joojiyay duulimaadyada ayaa kala ah, Turkiga Qatar Imaaraadka, iyo kuwoo kale, kuwaas oo keeni jiray caasimada shacab badan oo Soomaaliyeed halka ay qaadi jireen sidoo kale.
Ilo amniga ah, ayaa inoo xaqiijiyay sababta rasmiga ah, ee diyaaradahan u baaqdeen ay tahay digniino uu soo saaray Mareykanka taas ahayd in ay jirto halis weeyn oo amniga ah, ayna suurtagal tahay garoonka iyo goobo kale in weerar culus ka dhaco.
Dhanka kale weli ma cadda diyaaradda Itoobiya Airline, oo maanta Muqdisho kusoo wajahan in ay kasoo degi doonto iyo in ay baaqan doonto.
“Diyaaradaha Turkiga, Imaaraadka iyo Qatar ayaa dib u dhigay maanta duulimaadkooda Muqdisho, ayada oo weli aysan kala caddeyn shirkadda Itoobiya oo jadwalkeeda uu dhagan yahay” ayuu yiri qof ku sugan garoonka Aadan Cadde.
Weli ma jirto wax hadal ah, oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ku saabsan baaqashada diyaradahan, ee cabsida xooggan laga qabo weerada kooxaha xagjirka ah, ee ay ka digtay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.
“Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa heshay xog ku saabsan halis ka dhan ah goobo badan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Dhammaan dhaq-dhaqaaqyada shaqaalaha safaaradda Mareykanka waa la joojiyay Talaadada, April 9, 2024,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.
Kaddib digniintan culus ayaa aad looga dareemay guud ahaan caasimadda Muqdisho, iyadoona heegan buuxda la geliyay dhammaan ciidamada booliska caasimadda iyo qaar kaloo ka tirsan laamaha amniga halka la adkeeyay checkpoint-iyada lana sii ballaariyay iyadoo dhammaan la baarayay xalay gaadiidka raaxada kuwa dadweynaha iyo bajaajta intaba.
Muqdisho dhowaan ayay ahayd markii kooxda Al-Shabaab, weerar xun ku qaaday hotelka SYL, ee magaalada Muqdisho, weerarkaas oo ku billowday qaraxyo waa weeyn halka markii danbane ay galeen dagaalyahano ka tirsan kooxda oo ka dhex dagaallamayay inkabadan 15 saacadood oo xiriir ah.