Al- Shabaab oo weerar khasaare gaystay ka fuliyay deegaan hoos- taga Ruun-nirgood Sh.Dhexe.

Ruun-nurgood ( Raxanreeb ) Dagaal culus ayaa Salaadi Subax Maanta oo Jimca ah Ka dhacay deegaanka Hilowle Gaab oo maalmo ka hor ay qabsadeen ciidanka xoogga iyo kooxaha kacdoonka ee deegaanka.

Kooxda A-lshabaab ayaa lagu sooo waramayaa in weerar ay ku soo qaaday deegaanka

Isgaarsiinta oo aad u xun lama hayo xog dhamaystiran oo ku saabsan xaaladda deegaanka , hase ahaatee war laga helayo saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in saraakiil ciidan ay ku geeriyoodeen.

“Innaa Lillaah Wa Innaa Illeeyhi Raajicuun Allah u naxariisto sxbadeey Xasan Cali iyo Ciise Qooleey iyo dhamaan intii kale ee ku shahiiday Weerarkii Khawaarijta saakay ku soo qaaday Deegaan Koos taga Ruunirgood ” sidaas waxaa bartiisa ku qoray Abdiwali Jimcaalle oo ah sarkaal ka tirsan Dowladda.

Hilowle Gaab waxay Ka tirsantahay degmada Ruiir Good G/ShDhexe waxeyna Muqdisho u jirta 275 KM dhinaca bari

Leave a Reply

Your email address will not be published.