MA XALBAA  : Dhagaxaan hor leh oo lagu xiray waddooyinka Muqdisho !!

MA XALBAA  : Dhagaxaan hor leh oo lagu xiray waddooyinka Muqdisho !!

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa wali u xusul- duubaysa wax ka qabashada amniga caasimadda oo ay ka dhaceen qaraxyo khasaare gaystay.

Afatii bil ee la soo dhaafay Dowladda Soomaaliya ayaa qaaday talaabooyin ay ku xirayso waddooyinka muhiim ah ee magaalada Muqdisho , sabab la xiriirta sidii ay ugu hortagi lahayd weerarada Al- Shabaab ay gaysataan gudaha caasimadda.

Iyadoo markii horeba dadka ku nool caasimadda caqabad ay ku qabeen isticmaalka waddooyinka qaar ayaa haddana waddooyinkan la xiray waxa ay dhibaatada ku kordhin doonaan shacabka si gaar ah isu-socodka

Waddada soo kordhay ee dhagaxaanta lagu xiray ayaa ah waddada Say Piano halkaas oo maanta mashquul xooggan uu ka jiro.

Wadddan markii hore waxa ay – bar kantarool u ahayd ciidanka Dowladda , keliya waxaa halkaas yaalay markii hore taayero iyo agab kale oo loogu tala galay in lagu  hubiyo amniga hase ahaatee maanta waxaa la dhigay dhagaxaan waawayn.

Maalmo hor  Dowladda ay u dhawaysay  bartii ciidanka ee Macallin- Nor Ex- Kantarool Afgooye halkaas oo ka mid noqonaysa baraha lagu soo kordhiyay caasimmada isla markaana lagaga  hortagayo  falalka amni darro ee badanaa la sheego in ay gaystaan kooxaha ka soo gudba baraha ciidanka.

Ka sakow waddooyinkan la xiray waxaa  jira in baraha ciidanka sidoo kale la keenay ciidamo hore isla markaana la bedelay askartii hore u joogi jirtay sidaas oo ay tahayna waxa magaalada ka dhaca falal amni darro.

Xirnaanshaha waddooyinka  magaalada Muqdisho ayaa culays badan waxa ay ku keentay shacabka magaalada Muqdisho oo , markii hore la daaladhacayay dhibaatooyinka dhinacyo badan leh sida amniga iyo isu- socodka.

Kooxda Al- Shabaab ayaa marar badan qaraxyo waxa ay ka fuliyeen meelo muhiim ah oo magaalada Muqdisho ah si taas loogu gudbo ayaa Dowladda Soomaaliya qaaday , talaabooyin ay ku xanibayso isu-socodka magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.