Al-Shabaab oo weerar ku qaaday xarunta gobolka Banaadir

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday xarunta gobolka Banaadir

Muqdisho (Rqxanreeb) — Qaraxyo iyo weerar toos ah ayaa Axadda maanta lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir ee ku taalla degmada Xamar weyne ee caasimadda Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin.

Ururka Al-Shabaab ayaa barta ay Telegram-ka ku leeyihiin ku sheegay in ay beegsadeen xafiiska duqa Caasimadda Yuusuf Xuseen Madaale.

Madaale ayaa hadda ku maqan safar dibedda ah, muuqaallo lagu baahiyay baraha internet-ka ayaa muujinaya shaqaale badan oo ka badbaaday weerarkaasi kuwaas oo ka boodaya daaqadaha dhismaha xarunta gobolka Banaadir.

illaa iyo haatan lama oga khasaaraha rasmiga ah, ee ka dhashay weerarkani sidoo kale waxaa la soo wareriyay in tirada dagaalyahannadu ay gaarayaan illaa iyo 7 dagaalyahanno katirsan Al-Shabaab lama oga sababta ay uga suurta gashay inay gudaha u galaan xaruntaasi.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye oo wariyey uu ka mid yahay shakhsiyaadka ka badbaaday falkan ayaa xusay in uu socdo howlgallo lagu soo afjarayo weerarkani.

“Alle ayay mahad u sugnaatay dhammaan maamulka sare ee Gobolka Banaadir way nabad qadaan. Weerarka ayaa saakay khawaarijtu kusoo qaadeen xarunta dhexe Gobolka Banaadir , inta badan shaqaalaha waa lasoo badbaadnayay, welina waxaan ku jirnaa howlgalka,” ayuu sheegay.

Weerarka ayaa kusoo aadaya xilli ay maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino amni oo ku saabsan in caasimadda ay ka dhici karaan weeraro maadaama malleeshiyada Al-Shabaab ay culeys badan ku wajahayaan furimaha dagaalka ee gobollada

Leave a Reply

Your email address will not be published.