Al-Shabaab oo weerar ku qaday Saldhigyo kuyalla Jubbada Hoose iyo dagaal ka socda

Al-Shabaab oo weerar ku qaday Saldhigyo kuyalla Jubbada Hoose iyo dagaal ka socda

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar saaka Waaberihii hore Xubno katirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen Saddex Saldhig oo Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Weerarada ayaa waxaa ay ka kala dhaceen degaannada Biilo-Xaaji oo Bilo ka hor laga saaray Al-Shabaab, degaannada Harboole iyo Midow oo hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooganaa oo leysku adeegaday Gubka noocyadiisa kala duwan.

Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortageen weerarada ay Al-Shabaab kusoo qaadeen Saldhigyada Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee Gobolak Jubbada Hoose, isla markaana khasaaro xoogana ay ku gaarsiiyeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in meelaha qaarkood weli laga maqlayo dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayaan labada dhinac, hayeeshee weli aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay dagaallada.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada lagu dagaalamay ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan inay halkaasi ku wajahan yihiin Ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland, kuwaas oo qeyb ka noqonaya howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wararka kusoo kordha kala socda Halkaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.