Afgooye ( Raxanreeb Online) Faaf faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, saakay ku dhex maray deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka oo ku biloowday qaraxyo ayey kooxu ku qaaday saldhig ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Sabiib iyo Canaale, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus oo labada dhinac isku adeegsanayeen hub culus, balse aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegay in xaaladda ay hadda deggan tahay , halkaasna ay ciidanka dowlada kawadaan dhaq-dhaqaaqyo ay ku sugayaan amniga.
Illa iyo hadda saraakiisha ciidanka dowladda ee gobolka Shabeellaha Hoose kama aysan hadlin weerarkan ay saakay Shabaab ku qadeen deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee Shabeellaha Hoose.
Sikastaba, ma ahan markii ugu horeeysay oo Al-shabaab ay weerar ku qadaan deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Leave a Reply