“Al-Shabaab waxay tuulada Wabxo ka kaxeysteen dadkii shacabka ahaa”

Waxbo (Raxanreeb) — inkastoo xaaladda tuulada Wabxo ee gobolka Galgaduud ay dagan tahay, kadib markii ciidamada Dawladda iyo kuwa deegaanka ay kala wareegeen ururka Al-Shabaab ayaa haddana waxa lagu soo warramayaa in dadkii magaalada ka qaxay aanay wali dib ugu soo laaban.

Saraakiisha dawladda ayaa ku eedeynaya Al-Shabbaab inay ku qasbeen dadka deegaanka inay isaga qaxaan halkaas, kahor inta aan iyaga laga saarin.

Wabxo waxay qiyaastii dhawr iyo afartan km u jirtaa degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur oo ay wali ka taliyaan Xarakada Al-Shabaab.

Haddaba si aan helno warrarkii ugu dambeeyay ee Wabxo, waxa uu weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan taleefanka ku wareystay gudoomiyaha dawladda ugu magacaaban degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale, wuxuna marka hore weydiiyay sida hadda xaaladdu tahay?

“Nimankii cadowga ahaa waxay kaxeysteen dadkii shacabkaa oo ay afduubteen markii ay arkeen in laga tabar badiyay” ayuu yiri Nuur Xasan Guutaale.

BBC SOMALI

Leave a Reply

Your email address will not be published.