Siyaasiin ku xiran Baydhabo & kuwo kale oo ka baxsday magaalada

Baydhabo (Raxanreeb ) Maamulka  Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa uu ka bilaabay beegsiga iyo xariga siyaasiinta ka aragti duwan maamulkaas , kuwaas oo qaarkood la soo shaqeeyay  Cabdicasiis Laftgareen.

Marka laga soo tago siyaasiinta hadda u xiran Cabdicasiis Lafta- gareeb  waxaa jira kuwo kale oo ka soo baxsay magaalada Baydhabo , kuwaas oo diidan  hab dhaqanka  maamulkaas oo u harsan wax ka yar 45 maalin oo ah muddo xileedka Laftagreen.

Talaabooyinka hubaal la’aanta siyaasadeed  ka dhalisay magaalada Baydhabo  waxaa ka mid ah siyaasiinta qaar oo ka badbaaday isku day dil  oo ka mid ahaa Wasiirka Cadaalada ee maamulka Cabdicasiis Lafta gareen oo hadda ka mid ah kuwa diidan hab dhaqanka Laftagareen.

RBC   ayaa  helay siyaasiintan ay ka mid yihiin Xildhibaan Xasan Black  oo ka mid ahaa Barlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed una ololeeya in doorasho ay ka dhacdo  magaalada Baydhabo, Kaasim Moogow Abdulla oo ah xildhibaan hore Koonfur Galbeed ah , Xasan Aadan Nuur Ilkacase oo mar soo noqday Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada koonfur Galbeed iyo siyaasiin kale.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa  lagu soo waramayaa in magaalada uu ka bilaabay qorshe uu ku diidan yahay in dhaqdhaaq siyaasadeed ay sameeyaan siyaasiinta iyo xubnaha kale ee doonaya in doorasho  daahfuran ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Falkan  hadda ka socda magaalada Baydhabo  ayaa aqoonyanada waxa ay ku tilmaamayaan in ay tahay qorshe qar iska tuurnimada ah oo lagu doonayo in la marin habaabiyo in la qabto doorasho wada- ogol ah oo ay ka soo muuqdaan dhamaan  daneeyayaasha hoggaanka Koonfur Galbeed.

Siyaasiin  deegaanada koonfur Galbeed ayaa sheegaya in  inta uu xafiiska joogay  Cabdicasiis Laftagareen marnaba uusan ku dhaqmin  Dastuurka lagu dhisay maamulka Koonfur Galbeed , waxa ayna sheegeen inuu yahay shaqsi baalmara dhamaan mabaaidada uu ku dhisan maamulka Koonfur Galbeed..

Leave a Reply

Your email address will not be published.