António Guterres ” Soomaaliya waan ka gacansiinaynaa dagaalka Al- Shabaab ”

New York (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada New York ee dalka Mareynkanka kula kulmay xoghayaha Qaramada Midoobay António Guterres.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dadaalada Qaramada Midoobay ee ka socda Soomaaliya iyo Mashaariicda la xiriirta Bani’adanimada.

Madaxwaynaha Dowladadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u bandhigay Xoghayaha Guud ee Qaraamada Midoobay – halka ay marayaan howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab ee ka socda gobolada qaar ee dalka.

“Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xasilloonida dalka, waxa uuna la wadaagay Xoghayaha Qaramada Mideoobey, halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka ” ayaa lagu yiri qoraal la soo baxay xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya.

Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa soo dhaweeyey aragtida Madaxweynaha ee la xiriirta dib u qaabeynta mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxa uuna tilmaamay in talooyinka iyo soo-jeedinta Madaxweynaha ay ku saleynayaan qorshahooda.

António Guterres ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay horumarinta hannaanka dhaqaalaha, deyn cafinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xal u helidda duruufaha soo laalaabtay oo ay ka mid tahay abaaraha iyo fataahadaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.