Arday macallimaddiisa ku dilay toorey

Paris (Raxanreeb) — Arday wax ka dhigta mid kamid ah iskuullada sare ee dalka Faransiiska ayaa toori ku dilay macalimaddiisa oo luqadda Spanish-ka ka dhigaysay iskuul ku yaalla magaalada Saint-Jean-de-Luz.

Dacwadaha oogaha ee magaalada Jerome Bourrier ayaa wakaaladda wararka ee AFP iyo warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in arrinta ay saaka ka dhacday gudaha fasalka.

Mas’uuliyiinta waxay xaqiijiyeen in booliska iyo dacwad oogaha ay gaareen goobta ardeyga uu ku dilay macalimaddiisa.

Waxaana xabsiga la dhigay ardeyga.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in macalimadda oo da’deedu lagu qiyaasay 50’s ayaa u dhimatay wadno istaag kadib dhacdada xilli goobta ay soo gaareen shaqaalaha gurmadka deg dega ah.

Wargeyska kasoo baxa Faransiiska ee Sud Ouest ayaa ku warramay in ardeyga uu weeraray macalimadda oo cashar ka bixineysay fasalka.