Soomaaliya oo wajahaysa roob – yari

Soomaaliya oo wajahaysa roob – yari

Nairoboi (Raxanreeb )  Shir xubno ka socda urur goboleedka IGAD ay ku yeesheen  – magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay uga hadleen xaalada  ka taagan dalalka ku jira ururkan

Shirkan inta uu socday waxaa lagu soo hadal qaaday abaaraha soo noq noqday ee ka jira wadamo ay ku jrto Soomaaliya  , waxaana madashaas ku sugnaa masuuliyiin Soomaaliya ka socotay.

Bilaha Maarso, Abriil iyo May ee sanadkaan 2023-ka ayay saadaashu sheegtay in roobabka la filayo ay ka yaraan ka raan boqolkiiba lixdan,

War ka soo baxay shirka ayaa lagu sheegay in suurtagal ay tahay in Soomaaliy ay wajahdo xaalad roob yari ah taas oo saamayn aan wanaagsanayn ku yeelan doonto  Soomaaliya.

Shirka waxaa si gaar ah carabka loogu dhuftay in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya ay ka dhici doonto xaalad roob yaraan ah, islamarkaana loo baahan yahay in laga sii taxadaro.

Si kastaba Soomaaliya waxa xiligan ka jira xaalad adag oo sabab u ah  roob yari taas oo horseeday in kumanaan qoysas  Soomaaliyeed ay isaga cararaan deegaanadooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.