Eric Omondi oo xabsiga laga sii daayay kadib markii loo xiray dibad bax ay dharka u dhigteen

Eric Omondi oo xabsiga laga sii daayay kadib markii loo xiray dibad bax ay dharka u dhigteen

Nairobi (Raxanreeb) — Majaajiliistaha Kenyaanka ah ee Eric Omondi ayaa la sii daayay ka dib markii Talaadadii la xiray isagoo xilligaasi hogaaminayay koox qeybta sare ka qaawan oo mudaaharraad ka dhigay afaafka hore ee xarunta baarlamaanka Kenya.

Kooxda ayaa watey boorar ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan qiimaha sare ee maciishada.

Waxa ay dalbadeen in ay la kulmaan guddoomiyaha baarlamaanka si ay ugu sheegaan cabashadooda.

Booliska ayaa ku riday sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan waxaana ay xireen 17 qof.

Arbacadii waxaa lagu eedeeyay in ay shir sharci darro ah ku qabteen meel ka baxsan baarlamaanka.

Waxay dafireen inay wax khalad ah sameeyeen.

Midkiiba waxaa lagu sii daayay damiin dhan 10,000 oo shilinka Kenya ah ($80; £65).