AS oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka Nuur- Dugle  ee Sh.Dhexe

AS oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka Nuur- Dugle  ee Sh.Dhexe

AadanYabaal ( Raxanreeb )  Dagaal culus ayaa la sheegayaa inuu ka socdo Deegaanka nuur Dugle Ee Gobalka Sh/dhaxe waxaana la sheegayaa in AS ay halkaas weerar ku soo qaadeen

Dagaalka ayaa u dhaxeeya AS iyo Ciidamada Deegaanka Ee Macaawisleyda, waxaana la sheegayaa in dagaalku culusyahay Macaawisleydana ay dagaalamayaan

Sida aan wararka ku helnay weerarka Al Shabaab ayaa ku bilowday baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay, waxaana qaraxyada kaddib weerar toos ah ciidanka kusoo qaaday rag hubeysan oo xeryaha dhowr jiho kasoo galay.

Waxaa adag in si dhab ah loo ogaado xaalada deegaanka Nuur-dugle iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda deegaankaas, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in deegaanka ku baxeen ciidamo gurmad ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.