Askar ka tirsan Dowladda oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho.

Askar ka tirsan Dowladda oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Qarax Miino ayaa caawa  ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada  Muqdisho.

Gaari Cabdibile ah oo ay wateen ciidanka Taraafikada Dowladda ayuu haleelay qaraxan waxaana ka dhashay qasaaare.

Askari ka mid ah taraafikada ayaa ku geeriyooday mid kalena waa uu ku dhaawacmay.

Ciidanka Dowladda ee qaraxa lala eegtay ayaa muddo kooban xiray wadada KM4 ee Muqdisho inkastoo markii dambe dib loo furay.

Xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa hadda ah mid caadi ah oo waxaa dib u soo laabtay isu socodka dadka iyo gadiidka.

Qaraxan ayaa dhacay , iyadoo maanta la xiray waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho oo ay ku jirto wadada KM4 ee caawa qaraxa uu ka dhacay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.