Warbaahinta Soomaalida oo laga joojiyay shaqadii ay ka hayeen Dowlad Deegaanka.

Jigjiga ( Raxanreeb ) Dawladda Itoobiya ayaa dalkeeda ka joojisay in ay ka hawl-galaan dhamaan Warbaahinta Soomaalida, gaar ahaan deegaanka Soomaalida.

Sababta ayaa lagu sheegay in aanay ogolaansho ka haysan Hay’adda Warbaahinta dalkaas.

In ka badan 15 Warbaahin iyo wakiiladooda ayaa laga joojiyay in wax shaqa ah ay ka qabtaan gudaha dalka Itoobiya.

” waxaa laga joojiyay gudaha itoobiya warbaahinta dibada in ay ka howlgalaan gudaha Itoobiya ka dib markii aan ka haysan Guddiga Warbaahinta Itoobiya wax fasax ah ” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Warbaahinta dowlad deegaanka Soomaalida.

Hoos ka akhriso qoraalka :

Leave a Reply

Your email address will not be published.