ASKARI  isaga oo dhoola-cadaynaya lagu  toogtay magaalada Baydhabo.

ASKARI  isaga oo dhoola-cadaynaya lagu  toogtay magaalada Baydhabo.

Muqdisho (Raxanreeb )- Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad oo maanta xukun dil ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada daraawiishta Koofur galbeed oo horey dil ugu gestey askari kale.

Cabdiraxiin Cismaan oo maanta dilka lagu fuliyey ayaa horey u dilay Ibraahim Aadan Salaad wiirow oo ka tirsanaa Ciidanka daraawiishta Koofur galbeed dilkaas oo ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Dadweyne fara badan ayaa iskugu soo baxay goobta ay ka dhaceysay fulinta xukunka toogashada.

Waxa sidoo kale ku sugnaa goobta dilkan uu ka dhacay , Saraakiisha ciidanka Booliska maamul goboleedka koonfur Galbeed .

Dhawr jeer ayaa sidan  oo kale dilal magaalada Baydhabo ee gobolka Baay loogu fuliyay askar loo haysto in ay dilal u gaysteen dad ah ama kuwa iyaga isla shaqayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.