Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay duqeyn ku dishay 42 xubnood oo katirsan kooxda AS

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay duqeyn ku dishay 42 xubnood oo katirsan kooxda AS

Maxaas ( Raxanreeb Online) Ciidanka xoogga dalka ayaa duqeyn ka fuliyay tuulada Goobo oo 10KM dhanka waqooyi kaga beegan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu beegsaday xubno katirsan Al-shabaab oo isku uruursanayay tuulada, kuwaasi oo doonayay in ay weerar fuliyaan balse xogtooda la helay.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fiidkii duqeymo ka fuliyay tuulada Goobo, oo qiyaastii 10 KM dhanka waqooyi kaga beegan degmada Maxaas, waxaana lagu dilay 42 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, halka 12 kale lagu dhaawacay. Sidoo kale, waxaa lagu burburiyay gaari ciidan oo Cabdibile ah, fariisimo iyo difaacyo ay Khawaarijtu ka sameysteen deegaanka”ayaa lagu yir qoraalka kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in xubnaha la duqeeyay ay shalay kasoo baxsadeen dagaalkii ciidanka xoogga ku qadeen deegaannada Sullaay iyo Waab-weyn ee gobolka Hiiraan.

Sikastaba, maalmihii lasoo dhaafay deegaanada hoostaga degmada Maxaas waxaa ka dhacayay dagaalo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.