Askari saakay geestay dil carro badan dhaliyay oo lasoo qabtay loona gudbiyay Maxkamad.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidamada amaanka degmada Balcad ayaa gacanta ku soo dhigay Askarigii  la sheegay in 10-kun Shillings Soomaali darteed u diley darawal miskiin ahaa.

Askariga dilka ku edeysan  ayaa  xabsiga la dhigay isagoo jeebeysan, Wuxuu isku dayay inuu ku baxsado dhul beereed isagoo daqiiqado isku dayay inuu iska caabiyo askartii eryanaysay balse markii dambe ayaa gacanta lagu soo dhigay.

waxaana hadda askariga ku edeysan dilka  la wareegay maxkamada ciidamada qalabka sida una gudbisay xaruunta dambi baarsita booliiska ee CID.

Gacan- ku dhiiglaha ayaa wararku sheegayaan in loo gudbiyay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo la filayo in si degdeg ah ugu fariisato kiiska dilka uu geestay askariga xukun adagna ku rido.

Gobolka Shabeelaha Dhaxe qeybo badan oo kamid ah waxaa yaalla isbaarooyin lacago baad ah looga qaado gaadiidleyda, waxaana isbaarooyinka la sheegay in badankood u yaallaan masuuliyiin katirsan Hirshabelle iyo saraakiil ciidan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.