DULMI-Xeer Ilaalinta oo dalbatay sii haynta muwadiin la  sii daysay

DULMI-Xeer Ilaalinta oo dalbatay sii haynta muwadiin la  sii daysay

Muqdisho (Raxanreeb) waxa lagu tilmaamay wax sharciga ka fog in xabsiga lagu sii hayo masuuliyiin lagu waayay eed la xiriirta musuq maasuq kaas oo hore ay u soo dhoob- dhoobtay Xeer ilaalinta.

5 xubnood oo lagu waayay eeda loo – haystay oo ay ahayd in la sii daayo  khamiistii ayaa tan iyo xiligan waxay xabsiga ugu sii jiraan xafiiska ilaaliyaha sida ay sheegeen  qareenada xubnahan lagu waayay wax dambi.

Qoraal kasoo baxay xafiiska xeer ilaalinta oo uu ku saxiixan yahay xeer ilalaiyaha guud ee qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa lagu sheegay in racfaan ay ka qaateen xukunka maxkamada oo aysan ku qancin.

Hadalka xeer ilaalinta ayaa soo baxay ka dib markii baraha bulshada ay qabsadeen hadalada lagu dhaliilayo Dowladda oo la xiriira dalmiga xargaha goystay ee Maxkamadaha dalka.

Shariciyaqaanada ayaa sheegaya in xitaa hadii racfaan laga qaadanayo kiiskan ay ahayd in  masuuliyiinta la sii daayay si laga sii daayo xabsiga oo iyaga oo banaanka jooga racfaanka laga qaato.

Arrinta la yaabka leh ayase a ah in wali aan lasii deynin xubnihii xoriyadooda la amray in dib loogu celiyo maadaama lagu waayay dhamaan eedihii loo heystay.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Khamiistii xukuno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo ka kala howlgalayay hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo loo haystay musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne.

Raggan oo isugu jiray, agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale caadi ah ayaa 5 kamid ah oo danbi lagu waayay la amray in lasii daayo, halka 6-da kalena oo la xukumay dib loogu celiyay xabsiga.

Xubnaha wali aan xoriyadooda helin waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali (Suldaan) oo ahaa agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, kaas oo xilka laga qaaday inta uu xirnaa iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo xilkaas uga horeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.