ATMS oo sheegtay in howlgalka ka dhanka Al-Shabaab ay uga weyb qaadanayan duqeymo cirka ah

Muqdisho (Raxanreeb) — Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS Soomaaliya ayaa shaaciyay in ATMIS ay diyaar u yihiin inay sii wadaan taageerada howlgalka dhinaca cirka ah ee Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay ku qaadayaan Ururka Al-Shabaab.

War kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in inta lagu guda jiro howlgallada millateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay fulinayaan weerar dhinaca cirka si loogu taageero Ciidamada dowladda ee la dagaalamaya Al-Shabaab.

“ATMIS waxay sii wadaa inay taageerto dagaalka cirka ee ciidamada dhulka inta lagu jiro hawlgallada militari. Hawlgallada #ATMIS  ayaa socda oo lagu taageerayo ciidanka xoogga dalka si loo wiiqo Al-Shabaab ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaan qeyb weyn ka aheyn howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagula wareegay degaano dhowr ah oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.