Xasan Sheekh ” Wada – hadallada Dowladda Federaalka & Somaliland dib ayay u bilaaban doonaan “

Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh maxamuud  oo la kulmay safiirrada Turkiga iyo Norway ayaa sheegay in ay ka go’antahay in uu dib u soo celiyo Wada-hadalladii Somaliland iyo DFS.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in rejo wanaagsan uu ka qabo mira- dhalka wada hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo in muddo ah soo jiitamayay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wadahadalladii dhacay oo bilow fiican u ahaa xal u helidda tabashooyinka jira, xaqiijinta xasilloonida iyo horumarka dadka Soomaaliyeed ay hadda u baahan yihiin In horay loo sii dhaqaajiyo.

Dowladaha Turkiga iyo Norway  ayaa dhankooda sheegay in ay ka  go’an tahay in ay garab istaagaan dib u soo celinta wada-wadahadallada  DFS iyo Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.