Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)

Al-Shabaab oo weeraro ka geysanaya Galgaduud iyo Hiiraan
Post

Al-Shabaab oo weeraro ka geysanaya Galgaduud iyo Hiiraan

Dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab ayaa xoojiyey weerarada gaadmada ah ee ay ka fulinayaan qaybo ka mid ah dalka, gaar ahaan deegaannada hoostaga maamullada HirShabelle iyo Galmudug, kadib markii ay kordheen howlgallada ay wadaan ciidanka dowladda oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah.