Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa ATMS oo ka shiray Amniga Shabeellaha Hoose

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa ATMS oo ka shiray Amniga Shabeellaha Hoose

Muqdisho (Raxanreeb) Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee Magaalada Baraawe iyo kuwa ATMIS qeybtooda Baraawe ayaa ka shiray sidii loo sii xoojin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shaaab ee gudaha iyo daafaha Magaalada.Kulanka waxaa Shir gudoominayay Taliyaha ururka 25-aad, guutada 6-aad, Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale Xarago, waxaana qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Magaalada Baraawe Liibaan Abuukar Baafo, ku xigeenkiisa dhinaca Siyaasadda iyo Amniga Ismaaciil Cabdullaahi Jaadane iyo saraakiisha laamaha Amniga deegaanka.

Ahmiyadda ugu weyn ee kulanka ayaa lagu sheegay in uu ahaa inaysan Al-Shabaab carqaladeyn xasiloonida kajirta gudaha Magaalada Baraawe, iyaga oo saraakiisha Ciidanka xoogga iyo kuwa ATMIS ay isku raaceen in howlgallo laga fuliyo goobaha ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin deegaanada u dhow degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.Degmada Baraawe ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaasan Gobolka Shabeellaha Hoose, hayeeshee mararka qaar ay Al-Shabaab weeraraan Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Leave a Reply

Your email address will not be published.