Muqdisho (Raxanreeb )- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo maalintii labaad ku sugan Nairobi ayaa la kulmay madaxda Dalkaas iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku nool si ay ugu kala xog-qaataan xaaladda iyo xiriirka.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaaad ah kulan muhiim ah la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua.
Labada mas’uul kaa ay waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ee labada dal.
Wafdiga ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu hoggaaminayo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ayaa inta ay halkaas ku sugnayeen saxiixay heshiisyo ka kooban ilaa afar kuwaas oo la sheegayo inay ahmiyad ay u leeyihin labada dalka.
Heshiisyada ay galeen labada dhinac ee keliya sugaya dhaqangalkooda ayaa waxa ay kala yihiin.
1-Heshiis dhinaca amniga ah, gaar ahaan mid khuseeya la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada
2-Heshiis dhinaca ganacsiga ah, kaas oo Soomaaliya ay door bidayso in badalka qaadka Kenya u dhoofiso Soomaaliya, Iyana badeecaddo kaluunku kamid yahay gayso suuqyada Kenya.
3-Heshiis dhinaca Socdaalka ah, si gaara sidii loogu fududeyn lahaa muwaadiniinta labada wadan dal ku galka. Soomaaliya ayaa aad u daneyneysa in muwaadiniinteeda si fudud lagu siiyo dal ku galka Kenya.
4-Heshiis Waxbarashada iyo Caafimaadka la xiriirra
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay “in rajo fiican laga qabo inay fulaan heshiisyadan ay wada gareen labada ologa ah ee Soomaaliya iyo Kenya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoggaaminaaya kulan labo geesood ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ka soconaaya Magaalada Nairobi, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ee labada dal.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkooda soo hagaagayay tan iyo markii meesha ay ka baxeen labada madaxwayne ee labada dal ee Farmaajo & Uhur Kenyatta isla markaana ay yimaadeen yimaadeen Xasan Sheekh Maxamuud iyo William Ruto, kuwaas oo dhawr jeer oo hore yeeshay kulamo fool ka fool ah oo lagu xoojinayay xiriirka labada wadan, oo dhaawaca ugu weyni uga yimid khilafkii xuduudda badda ee markii dambe ay go’aanka ka gaaratay Maxakmadda Caalamiga ah ee dunida.
Lama oga sida ay fuli doonaan heshiisyada la filayo in Kenya iyo Soomaaliya gaaraan, maadaama dhawr heshiis oo hore loo gaaray aanay waxba ka soo naasa caddaan.
Leave a Reply