Day: May 8, 2024

Home » Archives for May 8, 2024
In kabadan 200 oo qof oo muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay kooxaha Magafeyaasha
Post

In kabadan 200 oo qof oo muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay kooxaha Magafeyaasha

Muqdisho (Hornlife) — In kabadab 200 oo muhaajiriin oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan ayaa laga soo badbaadiyay kooxaha magafeyaasha, ee dalka Liibiya kuwaas oo qaarkood ku jiray xabsiyada sannado badan.

Tahriibyeyaashan ayaa u badnaa dhallinyaro kuwaas oo ku doodaya in sababta ay u marayaan halistaas wayn ay tahay in ay raadinayaan nolol tan uga wanaagsan dalalkooda ayaa lagu xirtay Dalka Liibiya si ehelkooda madax-furasho badan looga qaato.

Madax katirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa sheegay in xabsiyada Dalkaas laga sii daayay dad badan oo oo Soomaali & Itoobiya isugu jiray kuwaas oo haatan la qorshaynayo tallaabadii loo qaadi lahaa dib ugu celinta Dalkooda.

Kooxaha Magafeyaasha ayaa xabsiyo badan oo ku yaalla Liibiya ugu xiran tahriibayaal Soomaali ay qayb ka tahay kuwaas oo qaarkood ay ehelkooda awoodi waayeen bixinta lacagaha madax-furashada ah ee Kooxahaas ay ka rabaan si ay usii daayaan.

Howlgal caalami ah oo looga hortagayo tahriibayaasha naftooda halista wayn gelinaya ayaa ka socda Dalka Liibiya ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika si loo xadido ama guud ahaan looga hortago tahriibinta Dadkaas lacagaha sida qasabka ah looga qaato.

Liibiya, ayaa inta badan marin rasmi u ah, muhaajiriinta u kala gooshaya dalalka qaaradda Yurub tan iyo sannadihii 2000, oo inkabadan 24 sanno toos ah, ay weli jiraan walow hadda qofkiiba ka qaadan lacag dhan $20,000

Muxuu yahay ujeedka safarka Agaasimaha CIA-da ee Israa’iil ?- AKHRISO.
Post

Muxuu yahay ujeedka safarka Agaasimaha CIA-da ee Israa’iil ?- AKHRISO.

Telaviv (Raxanreb )- Agaasimaha CIA Bill Burns ayaa lagu wadaa in uu maanta u safro Israa’iil si uu ula kulmo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, sida ay ilo qarsooni u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters. Booqashada Burns ayaa ku soo beegantay iyadoo Israa’iil ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka billowday Rafah, waxayna qabsatay xudduudda Rafah ee muhiimka...

BOOSAASO : Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay gobolka Bari.
Post

BOOSAASO : Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay gobolka Bari.

Boosaaso (Raxanreeb )- laba ruux ayaa ku dhaawacmay is rasaaseyn magaalada Boosaaso ku dhexmartay ciidanka amniga dowlad gobolleedyada Puntland iyo koox hubeysan oo la sheegey in ay hub kala soo degayeen meel aan ka fogayn Madaxtooyada Boosaaso. Kooxdan ayaan la aqoonsan cidda ay ka tirsanyihiin, sidoo kale maamulka gobolka bari iyo kan Puntland Weli wax...