Kismaayo (Raxanreeb) — Maamulka Jubaland ayaa mar kale u magacaabay Cismaan Nuur Xaaji Macallimu, guddoomiyaha gobolka Gedo.
Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo shaaciyay magacaabistiisa ayaa sheegay in Macalimuu haatan laga bilaabo uu mas’uul ka yahay howlaha amniga iyo siyaasadda gobolka.
Macallimu waxaa xilka laga qaaday bishii January 2021, wuxuuna ahaa ninka ugu magaca dheer maamulkii Gedo ka jiray sanadkii 2020, xilligaas oo ciidamada Federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland ay dhowr jeer ku dagaallameen magaalada istaraatiijigga ah ee Beled Xaawo.
Guddoomiyaha maamulka Jubbaland sheegay in la bedelay Axmed Buule Gareed oo BBC -da u warramay ayaa sheegay inuu la yaabay go’aankaas kuna tilmaamay maamulka mid sharci darro ah oo aanu aqoonsanayn. Faah-faahinta halkan ka dhageyso.