Muqdisho (Raxanreeb ) Koox ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar qarax ku bilowdey ku gashay guri uu leeyahay Jeneraal Ciidan oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee Muqdisho.
Guriga weerarka maanta lagu qaadat waxaa daganaa kudhowaad 10 ruux oo kamid ah ciidanka macwiiisley kuwaas oo ku soo dhaawacmay dagaalka gobolka Hiiraan ka socda.
Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarkan. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli war kasoo saarin weerarkan.
Ciidanadda sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa gurmad ahaan u tagay guriga la weeraray, kuwaasoo ku biiray dagaalka tooska uga socday Guriga Jenaraalka ee lagu hayay dhaawacyada macwiislayda.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanayey dhowrkii toddobaad ee tegay, waxaana soo kordhay dilalka iyo qaraxyada ay kooxda Al-Shabaab ka gaysato caasimada.
22 January 2023-ka ayaa dagaalamayaasha Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaadeyn Xarunta Gobolka Banaadir ee Dowladda Hoose Xamar, iyaga oo ka dhex dagaalamayay in ka badan saacado, xilli galinkii dambe ee maalintaas la soo afjaray weerarka.
Leave a Reply