Axmed Faal oo isku qabanaya Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe & Duqa Degmada Jowhar

Axmed Faal oo isku qabanaya Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe & Duqa Degmada Jowhar

Jowhar (Raxanreeb) — Warqad ay soosaartay Madaxtooyada DG Hir-Shabeelle ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Dowlad-Goboleedkaas Cali Guudlaawe Xuseen uu Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan xilkaas ugu daray Duqa Magaalada Jowhar.

Warqadda ayaa lagu sheegay in markii uu Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu arkay muhiimadda ay leedahay in isbaddel lagu sameeyo qaab dhismeedka maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe uu Guddoomiye Axmed Mayre u magacaabay Duqa Caasimadda.

Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sababta uu Axmed Mayre ugu daray xilka Duqa Caasimadda Dowlad-Goboleedkaas ku sheegay in uu ka shaqeynayo dardargelinta adeegyada Bulshada.

Xaanshida oo ku taariikheysan 6da Febaraayo 2023 ayaa faafinta rasmiga ah la geliyay 8da Febaraayo 2023 oo maanta ah, waxa uu Madaxweyne Guudlaawe uu Guddoomiye Axmed Mayre u rajeeyay in uu shaqadiisa u guto si waafaqsan Dastuurka DG Hir-Shabeelle.

Cali Guudlaawe Xuseen ayaa aqoon u leh howlaha shaqo ee Gobolka Shabeelaha Dhexe maadaama uu mar soo qabtay waa kahor inta uusan noqon Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-Goboleedkaas iyo 11kii November 2020 oo loo doortay in uu noqdo Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Leave a Reply

Your email address will not be published.